Qarax qasaare gaystay oo ka dhacay dalka afghansitan

11

Ugu yaraan saddex askari oo ka tirsan ciidamada ammaanka ee dalka Afghanistan ayaa lagu dilay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Kabul sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan dowladda

Weerarka oo lagu qaaday bar koontarool oo laga soo galo magaalada Kabul ee caasimada wadanka Afghanistan ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay afar askari

Ma jirto cid sheegatay in mas,uuliyadda qaraxaasi qasaaraha gaystay balse ururka taalibaan ayaa si weyn loogu tuhun san yahay

Dalka Afghanistan ayaa waxaa todobaadyaddii la soo dhaafay ka dhacayey weeraro hubeysan iyo qaraxyo qasaaro badan gaystay oo inta badan ay mas,uuliyadooda ay sheegteen ururka daacish