Qarax Qasaare Geystay Oo Ka Dhacay Gedo

47

Qarax nuuciisa ahaa Miinada dhulka la geliyo ayaa maanta duhurnimadii waxa uu ka dhacay maqaaxi kutaalla degmada Beled xaawo ee Gobolka Gedo.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in Khasaaro xoog leh uu ka dhashay Qaraxaasi,iyadoo lasoo warinayo in ciidamada Dawlada Maqaaxidaas ay ku shaah cabi jireen.

Waxaa ku geeriyooday qaraxa 5 qof halka tiro intaas ka badan ay ku dhaawacmeen iyada oo isgaarsiinta degmada hawada laga saaray.

Ciidamada meesha joogay ayaa la sheegay in qaarkood dhimasho iyo dhaawac soo gaareen,Haweeneey Maqaaxidaas ka shaqeeneysay ayaa ku jirta dadka dhintay