Qarax khasaare geystay oo ka dhacay degmada Afgooye

89

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo goor dhow ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxa uu ka dhacay fariisin ciidamada dowladda ay ku leeyihiin gudaha magaaladaasi.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxan ku dhaawacmay illaa labo qof oo kala ahaa darawal mooto Bajaajle iyo askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sidoo kale goobta gaaray, kuwaas oo haatan wada baaritaano dheeraad ah.