Qarax xoogan oo goor dhow ka dhacay magaalada Kismaayo

21

Faah faahino dheeraad ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo goor dhow ka dhacay gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa mid is-miidaamin ah, waxaa jugtiisa si weyn looga maqlay xaafadaha magaaladaasi oo xarun KMG u ah maamulka Jubbaland.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxa uu ka dhacay agagaarka saldhigga Booliska magaallo xeebeedka Kismaayo.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaan goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowlad goboleedka Jubbaland.