Qarax xoogan oo ka dhacay magaalada Muqdisho iyo wararkii u dambeeyey

34

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax barqanimadii maanta ka dhacay degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa miino, kaas oo lala eegtay shaqaale Turki ah iyo ciidamo la socday, kuwaas oo marayey wadada isku xirta Xoosh iyo Ex-Control Afgooye.

Ugu yaraan hal qof ayey waxyeelo ka soo gaartay qaraxa, kaas oo ka mid ah shaqaalaha Soomaalida ee la shaqeeya Turkiga ay waxyeelo ka soo gaartay qaraxaasi.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammanka ayaa SIDOO KALE gaaray meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo dhaq-dhaqaaqyo ka sameeyey hakaasi.

Magaalada Muqdisho waxaa maalmahan ku soo badanayey qaraxyada nooca miinada ee dhulka lagu aaso, kuwaas oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.