Qaraxyo Oo Ciidamo Itoobiyaan Ah Lagu Eegtay Gobolka Bakool

71

saacadiihii lasoo dhaafay ciidamo ka tirsan kuwa amisom gaar ahaana ciidamo itoobiyaan ah ayaa waxa lasoo sheegayaa in weerar qaraxyo ah oo qasaaro geeystay in lagu la beegsaday  deegaano ka tirsan gobolka bakool

ciidamadaan itoobiyaanka ah ee qaraxyada lala eegtay ayaa waxa la sheegay in dhaqdhaqaayo ciidan ay ka wadeen deegaano ka tirsan gobolka bakool balse weeraro qaraxyo ah oo dhabagal ah lala beegsaday

waxaana la sheegay in weeraradaasi ay qaraxada ah ay qasaaro kaladuwan oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac leh uu ka dhashay

dadka deegaanka ayaa waxa ay kusoo waramayan in maalmihii dambe ay maqlayeen jug culus iyo danyanka rasasta ay isweydaasanayeen labada dhinac balse aysan xaqiijin karin qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weeraradaasi

al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyada weeraro qaraxyo ah oo lala beegsaday ciidamo itoobiyaan ah oo howlgalo la sheegy in ay ka wadeen gobolka bakool deegaano ka tirsan

al-shabaab wararka ay barahooda intarneetka ku faafiyaan ay ku sheegteen in weeraro qaraxyo oo gaarayay ilaa iyo shan qarax ay labeegsadeen ciidamo itoobiyaan ah oo dhaqdhaqaaqyo ka waday bakool

waxaana al-shabaab ay sheegeen in qaraxa maanta ay la beegsadeen ciidamo itoobiyaan ah oo socdaal ku maryay  inta udhexeysa degmooyinka  xudur iyo ceelbarde ee gobolka bakool

al-shabaab oo guulo ka sheegtay weerarada qaraxyada ah ayaa waxa ay sheegeen in ay qasaaro xoog leh ku gaarsiiyeen ciidamada itoobiya

waxaana ay sheegeen in ay ku dileen ilaa iyo 10 askari oo ka tirsaanaa ciidamada itoobiya kuwaasi oo ay sheegeen in lagu daabulay meydkooda diyaarado kasoo kacay magaalada beydhobo sida lagu sheegay warkasoo baxay al-shabaab

qaraxyadaani ayaa waxa ay kusoo aadayaan xili saacadii lasoo dhaafay ay diyaaradaha mareykanku ee aan duuliyaha laheyn ay duqeymo ka fulinayeen deegaano dhaca gobolka bakool ,waxaana duqeymahaasi oo ka dhab ahaa al-shabaab guulo ka shegtay maamulka koonfur galbeed