Qasaaraha weerar ka dhacay dalka Afghanistan oo sare u kacday

26

Ilaa iyo 22 ruux ayaa la sheegay in ay ku geeriyoodeen weerar rag hubeysan ay ku qaadeen jaamacad ku taala magaalada Kabul ee caasimaadka dalka Afghanistan

Mas,uuliyada weerarkaasi oo ay sheegteen ururka daacish ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dad ku kor u dhaafayey 20 ruux oo badankood ah ardeyda halkaasi wax ka baraneysay

Weerarka oo ku bilowday qarax ismiidaamin ah oo fuliyey qof naftii hure ah ayaa waxaa xigay rasaas xoogan kadib markii gudaha jaamacada ay galeen labo nin oo hubeysanaa

Qof ka bad baaday weerarkaasi ayaa wakaalada wararka ee AFP u sheegay in xaalad argagax iyo cabsi leh ay ka dhacday gudaha jaamacada oo saacado badan ay ka dagaalamayeen raggii hubeysnaa ee soo galay