Qeybo ka mid Xaafadaha degmada Howlwadaag oo Howlgal laga Fuliyay Caawa.

26

Ciidamada Booliska saldhiga degmada Howlwadaag ayaa caawa howlgal ka sameeyay qeybo ka mid ah xaafadaha degmadaasi.

Howlgalkan ayaa waxaa lagu soo qabqabtay tiro dhalinyaro ah oo ka mid ah dadka deeganka.

Goobjoogal ku sugan degmada holwadaag ayaa waxaa ay inoo sheegeyn in ciidamada booliska ay Howlgalkan ka sameeyen Suuq yaraha degmada Howlwadaag .

Waxa la arkayay ciidamada oo roondon ku maraya xaafadaha degmada Howlwadaag kuwaasi oo baaritaano ku sameynayaa dadka iyo gaadiidka.

Ciidamada ayaa caawa waxa ay kaxeysteen tiro dhalinyaro ah kuwaasi oo ay ku qabqabteen howlgalka.

Ilaa iyo hada mas”uliyiinta degamada Howlwadaag kama aysan hadal ujeedka laga lahaa Howlgalkaasi.

Howlgalkan ayaa ku soo beegmay xili maanta degmada Kaxda lagu dilay gudoomiye waaxed isla markana uu qarax ka dhacay Halkaasi.

Laamaha Amaanka ayaa maalmahan waday howlgalo lagu sugaayo Amaanka gobolka Banaadir.