QM & IOM OO ka wada hadlay Xaaladda Somalia

51

James Swan Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa kulan Khadka Internet-ka ah la yeeshay Madaxa hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM), Antonio Vitorino.

James Swan iyo Madaxa IOM Antonio ayaa ka wada hadlay Arrimaha hay’adda socdaalka Qaramada Midoobay ee Somalia, si loo hubiyo in gargaarka bani’aadanimada ah uu gaaray dadka barakaca ah ee ku sugan Somalia ee wajahaya xaaladaha adag ee xiligaan jira sida Cudurka COVID-19 iyo amni darrada.


Dhinaca kale Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa tilmaamay in Xaaladaha murugsan ka jira xiligaan wadanka Soomaaliya ay u baahan yihiin xal dhammaystiran in laga gaaro.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska QM ee Somalia ayaa lagu yiri “James Swan iyo Antonio Vitorino waxay ka wada hadleen xalka howlaha hay’adda socdaalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya si loo hubiyo in gargaarku wuxuu gaaro dadka gudaha ku barakacay ee wajahaya COVID-19, xilligan adag oo ay wehliyaan caqabadaha xagga amniga ah”

QM ayaa dadaal ku bixineyso sidii wax looga qaban lahaa xaaladaha kala duwan ee ka jira Somalia sidii wax looga qaban lahaa.