QM iyo DF Soomaaliya oo kala saxiixday heshiiska 5 sano soconaya

31

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo QM ayaa maanta wada saxiixday heshiis iskaashi oo cusub, kaas oo hagi doona sida soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ay u wada shaqayn doonaan shanta sano ee soo socota si dhammaan dadka Soomaaliyeed ay u garaan nabad, xasillooni iyo barwaaqo.

Munaasabadda lagu saxiixayay Heshiiska Iskaashiga Horumarinta Waarta ee Q.M (UNCF) ayaa lagu qabtay, Muqdisho.

Heshiiskaan dhanka dowladda waxaa uga qaybgalay Raisul Wasaare ku xigeenka, Dowlada Federalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guled Khadar iyo Wasiirka Qorshaynta, Maalgelinta iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Jamaal Maxamed Xasan.

Dhinaca kale tiro mas’uuliyiin ka socotay Qaramada Midoobay iyo Dowladda iyo sidoo kale wakiillo ka socday bulshada qeybaheeda kala duwan dibloomaasiyiinta ayaa joogay munaasabadda halka kuwa kale ay uga galeen qaab onlayn ah .

Heshiiskaan cusub ee UNCF ayaa baddali doona heshiiskii hore ee isaga oo kale ahaa, kaas oo waqtigiisu ku eg yahay dabayaaqada sanadkan.