QM Oo baaq cusub ka soo saartay Wada-Hadalladii Somalia Iyo Somaliland

39

Ergayga Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa war-bixin u jeediyey Golaha amaanka Qaramada Midoobay oo kulan gaar ah ka yeeshay Arrimaha Soomaaliya.

War-bixintan oo ku saabsanayd xaaladda siyaasadeed ee xilligan ka taagan Soomaaliya iyo khilaafaadka la xiriira habka loo qabanayo doorashada soo socota ayaa Ergayga Xoghayaha guud wuxuu ku soo hadal-qaaday Wada-hadalladii Somaliland iyo Soomaaliya ee bishii June ee sannadkan ka qabsoomay dalka Jabuuti.

Wakiilka Qaramada Madoobay ee Soomaaliya ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan wada-hadalladii Somaliland iyo Soomaaliya ku dhex maray Dalka Jabuuti, isagoo ku baaqay in la sii wado qada-hadalladii u dhexeeyay labada dhinac.

“Waxaanu soo dhawaynaynaa kulankii hoggaamiyayaasha Soomaaliya iyo Somaliland ee uu marti-galiyay Madaxweynaha Djibouti 14 June, ee ay fududeeyeen Midowga Yurub iyo Maraykanka.” ayuu yiri James Swan.

Ugu damben Wakiilka ayaa tilmaaamay in muhiim ah ay tahay in la sii wado wada-hadalladii loo ballamay ee Guddiyada Farsamo, kuwaasi oo daba socday wada-hadalladii Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.