QM oo boogaadisay Doorka Hogaamined ee M/Weynaha KGS

46

Qaramada midoobay ayaa boogaadisay Madaxweynah Maamulka koonfur Galbeed soomaaliya doorkii iyo kaalintii uu ku lahaa arrimaha dhib u heshisiinta deegaanada maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya iyo doorkii muuqday uu ka soo qaatay wada hadaladii dib u heshiisiinta ahaa ee ka kala dhacay Muqdisho iyo dhusamareeb oo ay ka qeyb Galen madaxda dowlada federalka iyo ku dowlad goboledyada dalka.

Ergeyga gaarka ah ee wakiilka QM ee arrimaha Soomaaliya oo maanta safar ku tagay Beydhabo ayaa waxaa uu amaanay siyaasada hogaaminta sareyso ee Madaxweyne Cabdi Casiis Maxamud lafta Gareen ku hogaamiyaha dowlad goboleedka koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Mr James Swan ergayga QM ayaa waxa uu balan qaaday in maamulka Koonfur Galbeed ay ka taageeri doonan arrimaha bani’aadanimo iyo dhinaca kaalmada Beesha Caalamka.