QM Oo Maanta Kulan Ka Yeelanaya Xaaladda Wadanka Somalia

45

Golaha Ammaanka ee QM ayaa Maanta oo Isniin ah taariikhduna ay ku beegan tahay 23-ka bishaan November 2020 waxaa ay kulan aan caadi aheyn ka yeelan doonaan xaaladda Soomaaliya.

Kulanka oo ah mid xasaasi ah ayaa gelinkii dambe ee Maanta ka dhacaya Magaalada New York, waxaana ka qeyb-galaya Xubnaha Beesha Caalamka ee daneeya Arrimaha Soomaaliya, xili dalka uu ku jiro marxalad kala guur ah.

Kulankaan ay yeelanayaan Golaha Ammaanka ee QM  ayaa sida uu qurshahu yahay waxaa diirada lagu saari doonaa arrimo kala duwan oo ku aadan xaaladda Soomaaliya oo ay kamid yihiin ammaanka iyo Doorashada dhaceysa dhammaadka sanadkaan 2020/2021.

Xubnaha ka qeyb-galaya shirka Golaha Ammaanka ayaaa si gaar ah u falanqeyn doono sida looga gudbi karo caqabadaha haatan hortaagan arrimaha doorashada ee 2020/2021-ka oo horey Madaxda dowladda iyo kuwa maamul Goboleedyada ay heshiis uga gaareen.

Golaha ammaanka kulanka ay ka yeelanayaan Soomaaliya ayaa ku soo aadaya, xili siweyn Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha ay uga soo horjeedan Guddiyada Doorashada heer Federaal iyo heer dowlad Goboleed ee la magacaabay, iyagoona Musharaxiinta maalintii saddexaad shirweyn xasaasi ah uga socda Muqdisho.