QM Oo War Kasoo Saartay Afgambigii Ka Dhacay Myanmar

18

Xoghayaha guud ee QM Antonio Guterres ayaa sheegay Arbacadii in QM ay ka shaqeyneyso isu keeniddi waddamada waaweyn ee caalmka si ay cadaadis ugu saaraan Myanmar xaqiijinta inuu fashilmay, Afgambigii dhiigga aan ku daadan ee milatariga dalkaasi ay awoodda kula wareegeen

Antonio Guterres oo la hadlay Washington Post, ayaa sheegay in gabi ahaanba aan la aqbali karin, in laga laabto natiijada doorashooyinka uu aamisan yahay inay si caadi ah uga dhaceen dalkaasi Myanmar iyo rabitaanka shacabka.

Milatariga Myanmar oo afgambi ku qabsaday xukunka dalkaasi Talaadadii ayaa ku dhawaaqay xaalad deg deg ah oo ay dalkaasi kusoo rogeen, iyagoo xiray hogaamaya sida dimqraadiga loo soo doortay ee Aung San Suu Kyi iyo kuxigeenkeeda.