Meydka qof si xun loo dilay oo la soo dhigay degmada Howlwadaag

65

Qof si xun loo dilay ayaa saaka meydkiisa la soo dhigay xaafadda Salaama oo ka tirsan degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir.

Dadka deegaanka ayaa Meydka marxuumka saaka ku arkay wadada dhinaceeda, gaar ahaan inta u dhexeysa isgoysyada Baar-Ubax iyo Black Sea ee magaalada Muqdisho.

Ciidamo ka tirsab kuwa ammaanka ayaa sidoo kale waxaa goobta gaaray, kuwaas oo xiray meesha la soo dhigay meydka, kadibna sameeyey baaritaano kooban.

Lama oga illaa iyo hadda sababta loo dilay ninkaasi oo aan weli la aqoonsan iyo sidoo kale ciddii ka dambeysay intaba.

Todobaadkii hore ayey aheyd markii isla xaafaddan uu ka dhacay qarax is-miidaamin ahaa oo lala beegsaday ciidamo ku sugnaa halkaas, kaas oo geystay khasaare kala duwan.