MW Qoor Qoor oo ku dhawaaqay Dagaal ka dhan ah Al-Shabaab

34

Madaxweynaha Dowlad goboleedka maamulka galmudug Axmed Cabdi Kaariye( Qoor Qoor) ayaa ku dhawaqay in Maamulka Galmudug uusan aqbali doono colaad iyo khalalaaso ka dhaca degaannada hoos yimaada Galmudug.

Sidoo kale Madaxweyne qoor Qoor oo khudbad ka jeedinayay Munaasabad ka dhacday guriceel ayaa tilmaamay in Galmudug ay ka hortegi doonto waxkasta oo dib u dhigi kara horumarada Galmudug sida weerarada ay geystaan Ururka Al-Shabaab.

Maalmihii la soo dhaafay Xubno ka tirsan Al-Shabaab ayaa dhaq dhaqaaqyo Ciidan ka wadeen degaano ku yaalla duleedka Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in Ciidamada daraawiishta Galmudug ay Billahi doonan Howlgalo dib loogu xureynaayo deegaanada ay ku sugan yihiin dagaalamayaasha Al-Shabaab.