Qoor-Qoor oo magacaabay Gudoomiyaha Maxkamada sare ee Galmudug

43

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor ayaa maanta oo Axada wareegto ka soo baxday Xafiiskiisa ku magacaabay guddoomiyaha Maxkamadda sare ee maamulka Galmudug.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Qoor qoor ayaa ayaa xilkaan u magacaabau Cabdullaahi Maxamuud Gacal oo 45-kii sano ee la soo dhaafay ka soo shaqaynayay howlaha Garsoorka dalka.

Magacaabista ka dib xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu dhaariyay waxaana goob joog ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Nuur Gacal.

Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo ka hadlay magacaabista Gudoomiyaha Maxkamada sare ee Galmudug ayaa sheegay in Galmudug ay buuxisay “tiirkii 3-aad ee hey’adaha dawladnimada Galmudug oo baahi weyn loo qabay”.