Qoor Qoor oo shaaciyey inuu ku guul dareystay dhexdhaxaadintii khilaafka doorashada

19

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa sheegay inuu fashilmay dadaalkii uu ka dhex waday Madaxda Puntland iyo Jubbaland iyo kuwa Federaalka ah, isaga oo eedda u jaleeciyay Puntland iyo Jubbaland oo uu sheegay in aysan ka soo jawaabin arrimo laga sugayay, inkastoo uusan sheegin arrinta waxa ay aheyd.

“Waa muhim in la helo macluumaad howshii socotay baryahan, sidaad la socotaan waxaa jiray dadaalo todobaadyadii la soo dhaafay socday oo aan ku tagay magaalooyinka Gaalkacyo, Garowe iyo Muqdisho”.

“Si la isugu soo dhaweeyo aragtiyada kala duwan ee laga qabo sidii doorashooyinka dalka horay loogu sii wadi lahaa, aniga oo taas ka duulay waxaan Guddiga Doorashooyinka heer Federaal ka codsaday in muddo gaaban dib u dhigaan jadwalka doorashooyinka si fursad loo siiyo xalinta tabashooyinka ay qabaan Puntland, Jubbaland iyo siyaasiyiinta kale”ayuu yiri Qoor Qoor.

“Waxaan rabaa inaan halkaan ka caddeeyo in wali aysan wax jawaab ah kasoo noqon saaxiibadayda Puntland iyo Jubaland dhexdhexaadintii aan halkan u imid iyo natiijadii wanaagsanayd iyo tanaasulkii ay ii muujiyeen Madaxda Qaranka” ayuu hadalkiisa ku sii daray.