Qoorqoor Iyo Wakiilka Qaramada Midoobay Oo Kulan U Socda

24

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa Xarunta Madaxtooyada Dhuusamareeb kulan kula leh Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya James Swan oo gaaray halkaas.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlayaa xaaladda siyaasadeed ee dalka gaar ahaan Arrimaha doorashada dhacaya 2021 oo weli muranka uu ka taagan yahay iyo sidii xal loogu heli lahaa khilaafka ka jira, wallow ay socdaan dadaalo kala duwan.

Sidoo kale kulanka u dhexeeyay Madaxweyne Qoorqoor iyo Wakiilka Qaramada James Swan ayaa looga hadlayaa xaaladda deegaanada Galmudug, sida amniga iyo  iyo taageerada Qaramada Midoobay ay siineyso Galmudug sanadkan 2021, taas oo isugu jirta mid siyaasadeed iyo mid horumarineed.

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid iyo xubno kale oo qeyb ah wafdiga la socday James ayaa goobjoog ka ah kulanka u socda labada dhinac, kaasi oo ka dhacaya Xarunta Madaxtooyada Magaalada Dhuusamareeb.

Beesha Caalamka ayaa dadaal ugu jirta in xal laga gaaro is mari waaga doorashada, iyadoo cadaadis ku saareysa dhinacyada kala duwan inay wada hadal yeeshaan, waxaana xusid mudan in dadaalada uu qeyb ka yahay Madaxweyne Cabdicaiis Lafta-gareen.