Qoorqoor oo ka hadlay dilka Taliyihii Nabad-Sugida ee Galmudug

27

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane: Axmed Cabdi Kaariye ayaa ka tacsiyeyey geerida taliyihii ciidanka Nabad-sugida Magaalada Dhuusamareeb, Marxuum/Gashaanlle: Qooje Cabdi Shiiqdoon, Kabtan CabdiXakiin iyo askartii la’socotay ee ku shahiidday miino laguu aasay wadada isku xirta Dhuusamareeb iyo Deegaanka Ceeldheer.

“Waxaan Dhamaan Eheladii iyo Qoysaskii ay ka baxeen uga tacsiyeynayaa geerida naxdinta leh ee ku timid Taliyihii ciidanka Nabadsugida Caasimada Gashanle Marxuum: Cabdirashiid Cabdi Shiiqdoon “Qooje” iyo Dhame Abdihakim Macalin mustaf iyo Askartii kalle ee ku shahiiday qaraxii, Khawaarijtu ey la eegteen.Waxan si gaar ah uga tacsiyeynayaa qoyskii, axsaabtii iyo ehelkii & qaraabadii ay ka baxeen, iyo sidoo kale taliska NISA Galmudug iyo guud ahaan ciidamada qalabka sida.Eebe naxariistii Janaad haka waraabiyo, samir iyo iimaan saadaqana hanaga siiyo! Amiin.INAA LILAAHI WAA INAA ILEYHI RAAJICUUN”.‎إنا لله وإنا إليه راجعون.