Thursday, September 23, 2021
Bogga Hore Wararka Manta Qoorqoor oo laga Codsaday inuu soo gudbiyo Liiska Musharaxiinta Aqalka Sare

Qoorqoor oo laga Codsaday inuu soo gudbiyo Liiska Musharaxiinta Aqalka Sare

20

Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Galmudug ayaa Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor u diray Codsi la xiriira soorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Qoraal ay soo saareen Guddiga doorashada ayaa waxaa ay Madaxweyne Qoorqoor uga dalbadeen inuu soo gudbiyo Liiska Musharaxiinta u tartameysa kuraasta Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka laga soo dooranayo Maamulkaas.

Guddoomiyaha Guddiga doorashada Galmudug Maxamed Daahir Guuleed ayaa sheegay in lagu guda jiro waqtiga doorashada, sidaas darteedna ay ka codsanayaan Madaxweynaha Galmudug inuu soo gudbiyo Liiska Musharaxiinta Aqalka Sare.

Sidoo kale Guddiga ayaa rajeeyay in Madaxweyne Qoorqoor uu ku kalsoonaan yahay Codsiga uga yimid Guddigooda doorashada, isla markaana uu soo saari doono Liiska Musharaxiinta.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaan weli magacaabin Guddiga xubnaha Baarlamaanka ee qabashada doorashada Aqalka Sare, xili ay xusid mudan tahay in Baarlamaanka Galmudug uu fasax ku maqan yahay.