Thursday, September 23, 2021
Bogga Hore Wararka Manta Qoorqoor oo lagu wado inuu soo gudbiyo Liiska Musharaxiinta Aqalka Sare

Qoorqoor oo lagu wado inuu soo gudbiyo Liiska Musharaxiinta Aqalka Sare

19

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu soo gudbiyo liiska Musharaxiinta u tartamaya kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka.

Ilo ku dhow Madaxweyne Qoorqoor ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu wado qorshihii ugu dambeeyay ee uu kusoo gudbinayo Liiska Musharaxiinta Aqalka Sare oo ay ka sugayaan Guddiga hirgelinta doorashooyinka Galmudug.

Guddiga ayaa maalmo kahor Madaxweynaha ka dalbaday inuu si deg deg ah u soo saaro Musharaxiinta kuraasta Aqalka Sare ee laga soo dooranayo deegaanada Galmudug, si loo qabto doorashada Aqalka Sare.

Sidoo kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal ayaa shalay magacaabay xubnaha Guddiga Baarlamaanka ee qabashada doorashada, kuwaasi oo durbo xalay Guddoon iska dhex doortay.

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa waxaa kusii qul-qulaya Senatarada rajada ka qaba in dib loo qoro iyo Musharaxiin u hanqal taageysa kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.