Qorshe culus oo laga damacsanyahay Ololaha doorashada Madaxweynaha Soomaaliya 2021

32


Xog Hoose oo la helay ayaa tilmaameyso in Ololaha doorashada Madaxweynaha Soomaaliya 2021 ay isku heysan doonaan wadamada Jabuuti, Kenya, Turkey, Qatar iyo imaaradka Carabta.

Olole doorasho ayaa durba loo galay oo ku saabsan u diyaar garowga doorashada tan iyo markii dhawan Madaxda heer dowlad Goboleed iyo heer Federaal isku raaceen hannaanka iyo jadwalka doorashada, .
wixii waqtigaasi ka dambeeyay waxaa safaro ku baxay siyaasiyiin, Musharaxiin Madax dowlad goboleedyo iyo rag kale oo siyaasada galaan-gal weyn ku leh, kuwaasoo booqday wadamadaasi aan soo sheegaynay

Doorashada Madaxweynaha ee sanada 2021 waxaa la qiyaasayaa inay noqon doonto mid dhaqaale fara badan ku baxda oo badankood ka imaan doonta dalalka Khaliijka, gaar ahaan Qatar iyo Imaaraadka oo la rumeysan yahay in loolanka ugu weyn dhex mari doono marka la gaari doorashada sanadka soo socda

Warar kale ayaa sheegaya in Waxa intaas soo kaabi doona dalalka deriska ah oo ay ka mid yihiin Kenya Jabuuti iyo Itoobiya oo iyana dano badan ka dhex arka doorashada soo socota, lana filayo in aanay u gacan laabnaan doonin,

Sidaas oo ay tahay dalka Qatar oo xilligan Soomaaliya saameyn ku leh, ayaa markii u horeysay ka soo geli doonin dariishada amaama meel baxsan xeyndaabka ay kaga jirto Villa Somalia, marka loo barbar dhigo sanadihii 2012 iyo 2017 oo iyadoo Musharaxiin taageereysay ku guuleystay, balse labadaas xilli maanta way uga duwan tahay, waayo halka ay Qatar maanta Soomaaliya kaga jirto waa caloosha, awoodeeda ugu weynna waxay ku jirtaa Nabadsugida Soomaaliya, si ay u ilaashato ama u xajisato joogitaankeeda Soomaaliya hal ama labo Musharaxna ayay taageeri doonaan sida warar Hoose ay sheegayaan.

Dhinaca kale wadanka Imaaraadka Carabta oo saddexdii sano ee la soo dhaafay siyaasadda Soomaaliya aanay wax saameyn ku laheyn, marka laga reebo inay Maamulada iyo Siyaasiyiin ku hoos jirtay, tan iyo markii uu xumaaday xiriirka DF iyo iyaga, taasoo keentay inay isaga baxaan Muqdisho, xerooyin ciidan iyo xarun caafimaad ay lahaayeen albaabada u laabaan.
Hadda waxaa la leeyahay sheekada waa ka badalan tahay sidii hore Imaaraadka si uu joogitaankiisa iyo dhaq dhaqaaqyadii uu ka waday Muqdisho u soo celiyo, waxaa la rumeysan yahay in Musharaxiin dhowr ah oo hadda xiriir soke ay la leeyihiin inay soo taageeraan, kuwaasi oo bilaabay ololahooda doorasho.

Ugu dambeyn wadamada deriska ayaa iyadane waxaa ay dhankooda watan musharaxiin waxana ay u xusul duubayaan in ay door muuqda ku yeeshan doorashada soo socoto.