Qoysas ka soo Barakacay Shabeeladda Hoose oo Ka hadlay Xaaladooda nololeed

40

Qooysaskii ugu badnaa ee kasoo barakaca deegaanada dhaca gobolka Shabeelada Hoose ayaa soo gaaray waaxda koowaad degmada Kaxda ee gobolka Banaadir kuwaasi oo kusoo dul dagay qoysas iyaguba horay dhibane u ahaa.


Qoysaskan ayaa haatan waxaa lasoo gudboonaatay xaalado nolol xumo oo aad udaran iyagoo aanan hoysanin hooy iyo waxyaabo ay cunaan tiiyoo ay usii dheertahay xaalado dhinaca caafimaadka waxaana ay kasoo barakeceen dagaaladii iyo duqeymihii ugu dambeeyay ee kadhacay gobolka shabeelada hoose iyo sidoo kale fatahaadaha wabiga shabelle.


Gudoomiye kuxigeenka mamaulka Degmada Kaxda Cabdinaasir Xasan Cali ayaa kormeer kusameeyay xerooyinka ay soo gaareen dadkaasi barakacayaasha isagoo uguur galay xaalada haatan ay kusuganyihiin.
Qaar kamid ah dadka kasoo barakacay gobolka shabeelada hoose ee soo gaaray degmada kaxda ayaa ka warbixiyay xaalada haatan ay kusuganyihiin.


Waxa ay sheegeyn in xaaladoodu ay tahay mid aad u daran waxaana ay ka codsadeyn dowlada federalka soomaaliya in ay gargaar bani’aadanimo la soo gaarto maadama aysan heysn wax ay ku sii noolaadan .


Gudoomiye kuxigeenka dhinaca amniga mamaullka Degmada Kaxda ayaa sheegay inay barakacayaasha kunool waaxda koowaad ee Degmada Kaxda in ay kusuganyihiin xaalado nolol xumo oo aad udaran waxaana uu kacodsaday hay”adaha samafalka iyo maamullka gobolka Banaadir in gargaar ay lasoo gaaraan Barakacayaashan.


Bilooyinkii ugu dambeyay ayaa waxa qeybo ka mid ah gobolka shabeeladda hoose ka soo barakacayay qoysas ay saameysay fatahaadii dhawaan ku dhuftay gobolka kuwaasi oo ku wax belay fatahaada wabiga uu ka geestay tulooyinka iyo beeraha gobolka oo biyo dhigay Fatahaada.