R/Wasaare ku xigeenka magacaaban oo la kulmay Madaxweynaha Uganda.

59

Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka magacaaban, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo Marwada kowaad ee Dalka Marwo Seynab Cabdi Macalin oo hadda ku sugan dalka Uganda ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha dalkaas  Yuweri Museveni.

Shirkaasi oo ka dhacay Madaxtooyada wadanka Uganda ayaa ahaa mid soo dhaweyn ah oo lagu soo dhaweynayay wafdiga ka socoda Dowladda federaalka Soomaaliya, kaas oo lagu wado inuu ka qeyb galo Munaasabada lagu fura Warshad balaaran oo soo saarta sokorta dalkaasi Uganda.

Wafdiga uu horkacaya Ra’iisul Wasaare ku xigeen Mahad Maxamed Guuleed (Khadar) iyo Marwada kowaad ee dalka Marwo Seynab ayaa qeyb ka ah wafuud ka kala timid caalamka oo furaya Warshadda sokorta.

Warshadaan oo ay leedahay Haweeney Soomaliyeed oo ganacsi balaaran ku leh dalalka Barigga Afrika ayaa lagu wadaa in Maalmaha soo aadan laga furo dalka Uganda.