R/Wasaare Rooble iyo Mucaaradka oo kulan ku yeelanaya Muqdisho.

81

R/Waaaraha xukuumadda Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta lagu wadaa inuu kulan la qaato midowga musharixiinta mucaraadka  ah.

Kulankan ayaa waxaa looga hadli doonaa muranka ka taagan arimaha doorashooyinka Soomaaliya, si xal waara looga helo arimahaasi.

Wararka ayaa sheegaya in kulanka uu ka dhici doono hotel Decel ee magaalada Muqdisho, iyadoona dhamaan musharixiinta ay ka qeyb gali doonaan kulankaasi.

Kulanka ayaa waxaa uu daba socdaa kulmo horey uu R/Wasaare Rooble la qaadanayay  musharaxiinta mucaaradka ah.

Xogta ayaa sheegaya in kulanka kadib uu R/Wasaare Roooble la filayo inuu shir isugu yeero madaxda dowlad goboleedyada iyo madaxda Dowladda Soomaaliya.

Muranka xoogan ayaa weli waxaa uu ka taagan yahay doorashada Soomaaliya, kaasi oo u dhxeeeya madaxda dowladda Soomaaliya iyo qaar ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland.

Beesha Calaamka ayaa wado dadaalo lagu dhameynayo khilaafka ka taagan arimaha doorashooyinka.