Rag Al-shabaab ah oo la toogtay ayagoo biyaha fatahaada wabiga shabeele ku fasaxayey beeraha Awdhiigle

52

Ciidanka XGDS ayaa galabta toogtay rag katirsanaa Al-shabaab kuwaasi oo si dhuumaaleysi ah biyaha fatahaada wabiga Shabeele ugu fasaxayey Demada Awdhiigle ee gobolka Shabeelada Hoose

ayadoo maamulka Gobolka Shabeelada hoose iyo shacabka degmadaasiba ay iska kaashanayeen xakameeynta biyaha fataahada wabiga Shabeele ayaa hadana waxaa maalmihii dambe la soo sheegayey in Maleeshiyaadka Argagagixisadda Shabaab ay wabiga Shabelle si dhuumaaleysi ah ugu fasaxaan biyaha fatahaada si ay u dhibaateeyaan Bulshada ku dhaqan Awdheegle,

ciidanka dowlada ee kusugan degmadaasi ayaa mudooyinkii dambe foojignaan gaar ah u lahaa dhibaatada Al-shabaab ay ku hayaan bulshada ku dhaqan degmada waxaana maanta ciidanka oo shaqooda kormeerka kujirat ay toogteen ragaan dhibaatada ku haayey shacabka beeraleeyda ah ee ku nool Awdhiigle,

ragaan kooxda Al-shabaabka katirsanaa ee la toogatay ayaa sida la sheegay ahaa 2-nin waxaana xiligaasi biyaha fatahaada wabiga ay ku fasaxayeen beeraha iyo magaalada

Maamulka Gobolka Shabeelada Hoose iyo bulshada ku dhaqan halkaasi oo isticmaalaya jawaano iyo agab kale oo horay maamulka gobolka shabeelaha hoose ugaarsiiyey degmadaasi ayaa iska kaashanya xakameynta biyaha Fatahaada wabiga si aysan dhibaato kale ugu geeysan shacabka beeraleeyda ah ee Awdhiigle

Halkaan ka daawo Sawirada