Rag Miino aasayey oo lagu qabtay gobolka Shabeelaha Hoose

47

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa maanta gacanta ku dhigay maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kadib howlgal miino baaris ah oo ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in howlgalka si gaar ah looga fuliyey deegaanada Sabiib iyo Caanoole, waxaana lagu soo qabtay rag ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay in ragga la qabtay ay miino ku aasayeen waddada dheer ee soo gasha deegaanka Sabiib ee gobolkaasi.

Saraakiisha ayaa sidoo kale intaasi ku daray inay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Muddooyinkii u dambeeyey ciidamada huwanta ayaa xoojiyey dhaq dhaqaaqyada milatari ee ka socda gobolka Shabeelaha Hoose.