Ra’iisul wasaare Rooble oo maanta xilka la wareegayo

59

Ra’iisul wasaaraha cusub ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu wadaa in maanta uu si rasmi ah xilka ula wareego, kadib markii uu dhowaan codka kalsoonida ah ka helay golaha shacabka.

Xafladda xil wareejinta ayaa ka dhaceysa xafiiska ra’iisul wasaaraha, iyada oo lagu war-geliyey dhammaan golaha wasiirada ee xilka sii haya, si ay uga soo qeyb-galaan.

Khadiijo Maxamed Diiriye oo ah sii hayaha wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Soomaaliya, kana mid ah guddiga uu Mahdi Guleed u magacaabay munaasabadda xil wareejinta ayaa shaacisay in ku simaha uu xilka ku wareejin doono Ra’iisul wasaaraha cusub.

“27/9/2020 Siihayaha xilka Pm.ka Mud.Mahdi M Guuleed ayaa Xilka ku Wareejinaaya Ra’iisul-Wasaaraha Cusub Mud.Rooble INSHAA ALLAAHU.” ayey tiri Khadiijo Maxamed Diiriye, kadib war qoraal ah oo ka soo dhigtay barteeda gaarka ah ee Fecebook-ga.

Waa markii ugu horreysay ee uu Ra’iisul wasaare cusub xilka kala wareego Ra’iisul wasaare ku xigeen, iyada oo uu joogo Ra’iisul wasaarihii xilka kaga horreeyey.