Ra’iisul wasaaraha Wadanka Itoobiya oo sheegay in gobolka Tigreeda la duqeyey

39

Ra’iisul wasaaraha Wadanka Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa tilmaamay  in duqeymo lagu bartilmaameedsaday bakhaaro uu hub ku keydsanaa oo ku yaalla gobolka Tigreeda ee waqooyiga dalkaasi Itoobiya.

Ra’iisul wasaare Abiy ayaa sheegay in duqeymahaasi lagu burburiyay tiro madaafiic oo goobtaasi ku keydsanaa.

Dhinaca kale ma jirto warar madaxbanaan oo xaqiijinaya in bartilmaameedkii duqeyntaasi ay ku dhacday goobtii loogu talagalay.

Xisbiga haya talada gobolka Tigreeda ee TPLF ayaa sheegay in Maalintii  Khamiistii duqeymo lagu bartilmaameedsaday goobo ka mid ah gobolkaasi.

Sarkaal sare oo u hadlay  Jabhadda TPLF ayaa sheegay in Jimcihii inaysan wax duqeyn ah dhicin deegaanada gobolka Tigreeda. Dadka qaar ayaa ka cabsi qaba in arrintani ay noqoto bilowga dagaal sokeeye oo ka qarxa dalka Itoobiya.

Rai’sul wasaaraha oo khudbad ka jeediyay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in duqeymahani ay dhaceen Khmiistii iyo Jimcihii.