Ra’iisul Wasaaraha XFDS oo dhagax dhigay Xarunta Gurmadka degdegga ah

27

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta dhagax-dhigay xarunta gurmadka qaranka oo loogu talagalay in ay daboosho Xaaladaha deg degg ah ee ay keenaan noocyada kala duwan ee masiibooyinka ka dhaca dalka .

Xaruntaan  gurmadka Degdegga ah ee maanta la dhagax dhigay ayaa noqon doonta mid isku xirta dhamaan hay’adaha gurmadka dalka oo dhan, waxayna aruurin doontaa macluumaaadka halista soo socota, lana wadaagi doontaa dhinacyada ay khuseyso sida wasaaaradda  Gargaarka iyo Musiibooyinka Xukumadda Federalka Somaaliya

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Sheegay  in markii uu booqday qaar ka mid ah isbitaalada Muqdisho , arkayna casharradii laga bartay qaraxii ka dhacay Isgoyska Zoobe Seddex Sanno ka hor  iyo dhacdooyin kale oo dalka soo maray ay lagama maarmaan noqotay dardargelinta dhismaha xaruntan.

Dib u dhiska Xaruuntaan ayaa waxa Qarashka lagu dhisayo bixinayo oo maalingalinayo  Wadamada taageera Soomaaliya iyo Hay’adaha Caalamka  Sida  Sweden iyo Bangiga Adduunka oo dhismaha Xarunta, oo lagu soo gabagabeyn doono muddo gaaban.