Ra”iisul wasaaraha XFS ayaa uu wehliyo Madaxweynaha DGKG ayaa Caawa Kulamo muhiim ah ku leh Magaalada Baydhabo
Ururada Bulshada Rayidka Qeybahooda kala Duwan ayaa Caawa Kulan la qaatay Ra”iisul wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen.
Sidoo kale Ra”iisul wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa Cawaa wadaan kulamada ay la qadanayaan Qeybaha kala Duwan Bulshada iyo Mas,uuliyiinta Dowlada sidookale waxaa ay kulan la qaatayn Ganacsatada.
Wararka kale oo aan ka heleyno Beydhabo ayaa sheegaya in Ra”iisul wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo uu wehliyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ay kulan Dardaaran ah la qaatay Xildhibaanada Barlamanka Koonfur Galbeed
Dhinaca kale Kulanka ayaa sido kale waxaa qeyb ka ahaa Gudoomiyaha Barlamanka Labadiisa ku Xigeen iyo Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Xukuumada Federaalka Soomaaliya..