Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Shir guddoomiyay shir ku saabsan amniga oo uu ka qeyb galay Madaxweynaha Galmudug, Wasaaradaha amniga Dowladda Federaalka iyo tan Galmudug iyo Taliyeyaasha Ciidanka qeybahooda kala duwan kaasi oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xaruunta gobolka Mudug.
Wasiirrada amniga dowladda Federaalka Xasan Xundubey Jimcaale, Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macallin Fiqi iyo Wasiir ku-xigeenka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdifataax Qaasim, ayaa warbiixiyeen xaalada la xariirta amaanka deegaanada galmudug mas’uuliyiintaan ayaa si gaar ah uga hadlay xoojinta Nabadgelyada.
Wasiirka Amniga Soomaaliya Xasan Xundubeey Jimcaale ayaa ugu baaqday shacabka ku nool gaalkacayo in ay la shaqeeyaan laamaha amaanka
Wasiirka amniga Galmudug, Axmed Macalin Fiqi oo shirka kadib la hadlay saxaafada ayaa sheegay in hoosta laga xarriiqay sidii jawaab ku haboon looga bixin lahaa weerarkii Alshabab ku dileen saraakiisha ciiddanka xoogga.
Wasiirka ayaa sheegay wafdi uu hoggaaminayo wasiirka gaashaandhiga dowladda Soomaaliya in ay Gaalkacyo u yimaadeen sidii loo qaadi lahaa tallaabo ka dhan ah Al-shabab ee ku sugan Galmudug.
Magaalada Gaalkacyo ee dhinaca Galmudug ayaa waxaa maalin kahor ka dhacay qarax Is-miidaamin ah oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, isal markaana halkaas ay ku geeriyoodeen Saraakiil Ciidan iyo dadweyne badan.
Saraakiishii ku dhimatay qarixaasi ayaa shalay la Aasay, waxaana madaxda dowladda & dowlad goboleedka galmudug ay sheegeen in weerarkaasi ay ka jawaabi doonaan.