Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Oo Dhagax Dhigay dhismaha Wasaaradaha Cadaaladda Iyo Diinta.

31

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta  dhagax dhigey dhismaha Wasaaradaha Cadaaladda iyo Awqaafta iyo Arrimaha Diinta oo laga waddo dib-u-dhiska iyo dayactirka

Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar)  ayaa sheegay  in ay go’an tahay xukuumadda  Soomaaliya  dhismaha xarumihii hay’adaha dowladda ee ku burburay dagaallada Sokeeye .

Mudane Mahdi ayaa tilmaamay in labada wasaaradood ay muhiimad weyn u leeyihiin dalka, una mahad celiyey cid walba oo gacan ka geysanaysa dib-u-dhiskooda.

Dhismaha Wasaaradaha Cadaaladda iyo Diinta oo ku burburay dagaalladii dalka soo maray ayaa lagu dhisayaa barmaanijka Isxilqaan ee ay hormuudka u yihiin Shaqaalaha dowladda.

Barnaamijka Isxilqaan ayaa ah barnamaij oo ku dhawaaqay Madaxweynaha Soomaaliya oo lagu dhisayo dhaamn xaruumaha dowlada si dan guud ah .