Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Beesha Caalamka Kala Hadlay Teegeero Dhaqaale

10

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay Wakiillada Beesha Caalamka ee ku sugan Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho

Kulanka dhexmaray Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Beesha Caalamka ayaa waxaa looga hadlay horumarrada laga sameeyay Arrimaha doorashooyinka dalka, kadib markii dhawaan lasoo saaray Jadwalka doorashooyinka.

Kulanka ayaa inta uu socday waxaa diirada lagu saaray Arrimaha amniga doorashooyinka bilaabaya iyo teegeerada Beesha Caalamka ee dhaqaale iyo farsamo ee doorashooyinka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Beesha Caalamka uga mahadceliyay taageerada ay siineyso dowladda Federaalka iyo doorashada dhaceysa ee heshiiska laga gaaray.

Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad Goboleedyada ayaa todobaad kahor soo saaray Jadwalka doorashooyinka dalka ka dhacaya, waxaana socda doorashada Guddoomiyeyaasha Guddiga la magacaabay ee doorashooyinka.