Ra’iisul wasaare Rooble oo Cadeeyay in Horey uu dhib ugu qabay Xernaanshaha Wadooyinka Muqdisho.

40

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo maanta  khudbad ka jeediyay xaflad uu ka qeyb galay oo lagu furayey wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa codsi u diray dadka reer Muqdisho.

Ra’iisul wasaare Rooble  ayaa  waxa uu xusay in sababta kaliftay in la xiro wadooyinka ay tahay amni darro ka jirta Mgaalada Caasimadda, balse inay hadda furaan qaar ka mid ah ay ugu dhiiradeen si tijaabo ah, hadii tijaabadaas ay guuleysatana waxa uu sheegay in la furi doono inta dhiman jidadka Muqdisho.

“Bil ka hor waxaan ka mid ahaa shacabka reer Muqdisho ee ku dhib qabay wadooyinka xiran ee Muqdisho, waxaan rabaa inaan fariin u diro shacabka Muqdisho, waan ogahay inaad dhibaateysantihiin oo caafimaad iyo waxbarasho aadi weyseen, balse waxaan inka codsanayaa inaad mas’uuliyadda amniga nala qaadaan oo nala qabataan dadka fara ku tiriska ah ee amnigeena dhibka ku haya” ayuu yiri Rooble.

Dhinaca kale Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble  ayaa tilmaamay in wadooyinka haatan la furay ay ku qiimeyn doonaan kuwa weli xiran, isla markaana ay wada furi doonaan mar aan dheereyn hadii ay guuleysato wada-shaqeynta shacabka iyo dowladda.

Munaasabadaan  ayaa waxaa ku sugnaa taliyaha Ciidaamda booliska Soomaaliyed  Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Filish iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowlada federalka Soomaaliya.

Arrintaan ayaa waxa ay ku soo aadeysaa xili habeenkii Xalay aheyd  dhagaxaantii laga qaaday Qeybo ka mid ah Wadooyinka Muhiimka ah ee Muqdisho