Ra”iisul wasaare  Rooble oo Dhagax dhigay Xaruumo loogu adeego Bulshada .

84

Maanta ayaa waxaa magaalada Beydhabo lagu qabtay Munaasbaad lagu dhagax dhigayay Xaruumo loogu adeegi doono Bulshada Koonfur Galbed soomaaliya

Munaasabadaan dhagax dhiga ah ayaa waxa ka soo qeyb galay Mas’uuliyiin uu ugu horeeyo Madaxweynaha Maamulka Dowlad Goboledka Koonfur Galbed Soomaaliya .

Ugu horeyn Ra”iisul wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo uu wehliyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa si wadajir ah u dhagax dhigay Mashaariic Isugu jiray Isbitaal,Madaraso lagu Baranayo Diinta, iyo Xarunta Haweenka oo laga Dhisaayo Xaafada Barwaaqo ee Magaalada Baydhabo.

Mudada uu Ra”iisul wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble joogo Magaalada Beydhabo ayaa waxa la filaya ain uu dhagax dhigo Xaruumo dowladeed.