Wednesday, July 28, 2021
Bogga Hore Wararka Manta Ra’iisul Wasaare Rooble oo dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Rooble oo dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho

10

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee xigaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayay oo socdaal 4 cisho qaatay ku tagay magaalooyinka Kismaayo iyo Garbahaarrey ayaa Maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho.

Socdaalka Ra’iisul Wasaare Rooble ee Jubbaland ayaa diiradda saarayay arrimaha hirgelinta doorashooyinka dalka ka dhacaya, dib u heshiisiinta, xoojinta amniga iyo fulinta mashaariic horumarineed oo wax tar u leh bulshada.

Ra’iisul Wasaaraha oo markii horey safarka ku tegay Kismaayo ayaa kulamo kala duwan lasoo qaatay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo Mas’uuliyiinta kale ee Maamulka ugu sarreeysa, isagoo kala hadlay arrimaha doorashooyinka iyo dib u heshiisiinta Gedo.

Rooble ayaa Carabka ku dhuftay in Madaxweyne Axmed Madoobe uu kula xisaabtami doono doorashooyinka Baarlamaanka Federaalka ee ka dhacaya Magaalooyinka Kismaayo iyo Garbahaarey, isla markaana isagana uu ku kormeerayo hirgelinta doorashada.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo shalay warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu socdaal ku tegi doono dhammaan Magaalooyinka ay ka dhacayaan doorashooyinka dalka, uuna la kulmi doono Madaxda maamulada.