Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay geerida ku timid Alle ha u naxariistee Wariyihii BBC-da Axmed Cabdinuur oo ku geeriyooday dalka Ingriiska.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi u diray qoyskii, asxaabtii iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Wariye Axmed Cabdinuur, waxaana eebbe uga baryay in uu jannadii Fardowso ka waraabiyo, ehelkiisana samir iyo iimaan ka siiyo.