Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka Tacsiyey Geerida fanaanad Seynab Xaaji Cali Baxsan

88

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble aaya dhambaal tacsi ah u diray qoyska iyo ehellada ay ka geeriyootay fanaanadii Caanka aheyd ee Seynab Xaaji Cali Baxsan.

Dhambaalka Ra’iisulwsaraaha ayaa lagu yiri “  Waxaan qoyskeeda iyo ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa geerida fannaanaddii Qaran Saynab Xaaji Cali (Baxsan)”

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble aaya tilmaamay in AUN marxuumad Baxsan ay kaalin weyn ka soo qaadatay xornimadii Dalka,dhismaha qaranimadda  iyo nooleynta dhaqanka soomaaliyed . Jannadii Firdows Allaha geeyo samir iyo iimaanna Allaha naga wada siiyo .

Fananaada ayaa Bilihii ugu dambeyey waxa ay ku xanuunsaneysay Magaalada Muqdisho