Ra’iisul Wasaare Rooble oo kormeeray Wadad isku Xerta Tarabuunka & Km4

29

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa  habeenkii Xalaya  waxa uu kormeeray Wadada isku xerta isgooysada Tarabuunka iyo KM4  oo halboowle u ah isu socodka Caasimadda,Muqdisho

Socdaalka Rooble ayaa waxa uu ahaa Midi uu ku hubinaayo fulinta amarkii ku aaddanaa isu socodka bulshada iyo gaadiidka ee uu faray Laamaha Ammaanka ,Dhawaan

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Sheegay  in furitaanka waddadan oo xirnayd ku dhawaad 10 sano ay muujinayso isku-tashiga iyo wadashaqeynta Laamaha amniga iyo shacabka Caasimadda oo ay ka go’an tahay in ay si qorsheysan ku wajahaan duruufaha amniga, una midoobaan xasilinta Caasimadda.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa si aad ah  ugu  bogaadiyey Taliska  Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Maamulka Gobolka Banaadir hirgelinta qorshahan culeyska lagaga dulqaadayo Shacabka iyo  isu socodka Caasimadda,

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa  ku adkeeyey in ay sii dhammeystiraan, korna u qaadaan wadashaqeynta dhanka amniga ee ay la leeyihiin Shacabka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga mahadceliyey ganacsatada iyo qeybaha kale ee bulshada dhabar adeega ay ku wajaheen durufiihi ka dhashay xirnaanta waddooyinka,

Mudane Rooble ayaa tilmaamay in ay qeyb ka ahayd dadaalladii lagaga hortageyey weerarada Al-Shabaab.

Wadadaan ayaa waxa ay muhiim u tahay isku socodka dadka iyo Gaadidka Dadweynaha  sida waxbarashadda  ganacsiga iyo  Caafimaadka