Ra”iisul wasaare Rooble oo kormeray goobaha Biyo fadhisanka.

15

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Somaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa gabaldhicii caawa waxaa uu kormeeray Warta Biyaha ay ku Hooraan kuna Taala KM4 , gaar ahaan Hoolka Sahal xilli Maanta Loo xiray Wadooyinka Muhiimka ah ee Muqdisho.

Ra”iisul wasaare Rooble ayaa u koorgalayay saameynta Roobka iyo daadka ka dhashay biyaha xareeda.

Mudane Rooble ayaa horey ugu amray madaxda gobolka Banaadir in ay wax ka qabtaan dhibaatada Roobka ee magaalada.

Inta badan wadooyinka muhiimka ah ayaa waxaa fadhiistay biyaha halka kuwa kale ay burbureen .

Socdaalka ayaa waxaa ku wehliya mas”uliyiin ka socoto gobolka Banaadir.