Thursday, September 23, 2021
Bogga Hore Wararka Manta Ra’iisul Wasaare Rooble oo ku wajahan Magaalada Qaahira ee dalka Masar

Ra’iisul Wasaare Rooble oo ku wajahan Magaalada Qaahira ee dalka Masar

13

Ra’iisal Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta safar ugu baxaya Dalka Masar.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa casuumad rasmi ah ka helay Madaxweynaha Jamhuuriyadda aynu walaalaha nahay ee Masar Cabdulfataax Alsiisi.

Ra’iisul Wasaaraha oo safarkiisa ayku weheliyaan xubno katirsan Golihiisa Wasiirada iyo Masuuliyiin kale oo katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa kulamo kala duwan la qaadan doona Madaxda Dalka Masar inta uu joogo Qaahira.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhawaan sacdaal ku tagay dalka Kenya, halkaasi oo uu kulamo kala duwan kula soo yeeshay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta dalkaasi, isagoo si gaar ah kulan ula yeeshay madaxweynaha dalka Kenya uhuru Kenyata.