Ra’iisul Wasaare Rooble oo la Kulmay Beesha Caalamka

36

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Shir  guddoomiyey Kulan looga hadlayay habsami-u-socodka hannaanka doorashooyinka iyo dhameystirka dib-u-eegista dastuurka dalka .

Kulankaan  ayaa lagu soo boggaadiyey heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray hannaanka doorashooyinka iyo sida ay uga go’an tahay dowladda Federaalka ah fulinta qodobadii kasoo baxay shirkii Madaxda DFS iyo Dowladaha xubnaha ka ah ee lagu heshiiyey in dalka ay ka dhacaan doorashooyin ku qabsooma waqtigooda.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble  ayaa kulanka kusoo bandhigay sida ay uga go’an tahay Xukuumaddiisa fulinta qodobadii lagu heshiiyey ee ahaa in dalkan ay ka dhacdo doorasho xasilloon, isla markaana ay si caadi ah u socon doonaan howlaha dowladda xiliyada doorashada si ay waqtigii lagu heshiiayay ay ugu dhacdo dalka .

Ra’iisul Wasaare  Rooble ayaa tilmaamay in laamaha amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada ay u diyaarsan yihiin dardargelinta fulinta qorshaha amniga codbixiyeyaasha, musharixiinta iyo maamuleyaasha doorashooyinka ee ku sugan goobaha codbixintu ka dhacayso.

Beesha Caalamka ayaa waxaa cadaadsi dheeraad ah ku saareysaa  madaxda dowlada sidii  Waqtigeed ay doorasho u dhacdo oo aneyn  wax dib u dhac imaaniin .