Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Safiirka Turkiga.

21


Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo Muqdisho ku qaabilay Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Mehmet Yilmaz ayaa adkeeyey xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeya labada dowladood.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay in shacabka Soomaaliyeed aysan marna ilaawi doonin abaalka Turkiga, ugana mahad-celinayaan taageerada iyo waxqabadka muuqda ee suurageliyey in waddankeena uu tallaabo horey u qaado, isagoo xusay in Xukuumaddiisu ay sii adkeyn doonto xiriirka walaaltinimo ee labada dal ka dhexeeya.

Mudane Rooble ayaa tilmaamay in xiligan muhiimka ah ay jiraan dad badan oo Soomaaliyeed oo u baahan in laga caawiyo arrimaha banii’aadamnimada, isagoo uga mahadceliyey taageerada dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo Gargaarka.


Danka kale Danjiraha Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mehmet Yilmaz ayaa dhankiisa balan qaaday in ay sii wadi doonaan garab istaaggooda dadka Soomaaliyeed, isagoo xusay ahmiyadda ay leedahay in la sii dardargeliyo taageerada aan shuruuddu ku xirnayn ee dalkiisu siiyo Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa waxaa ka dhaxeeyo xiriir iskaashi oo balaran oo labada dal ah kaasi oo ah mid iskaashi oo dhan walba ah .