Ra’iisul wasaare Rooble oo la shiray guddoonka BF Soomaaliya

19

Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay kulan waxaa uu Magaalada Muqdisho kula qaatay Guddoomiyaha iyo Gudddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha shacabka Barlamaanka Soomaaliya.

Kulanka ayaa ahaa mid uu Ra’iisul Wasaaraha Cusub uga mahad celiyay doorkii ay Guddoonka Golaha Shacabka ka qaateen ansixintii Ra’iisul Wasaare Rooble, iyo wada-shaqeynta laga sugayo xukuumadda uu soo Magacaabi doono iyo Golaha Shacabka.

“ Waxaan Caawa Kulan Muhiim ah oo miro dhal ah la qaatay Guddoomiyaha iyo Gudddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha shacabka Barlamaanka Soomaaliya ayuu yiri” Ra’iisul Wasaaraha Cusub.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa Ra’iisul Wasaaraha Cusub waxaa ay ugu hambalyeeyeen xilka loo igmaday, iyaga oo ugu baaqay in ka Shaqeeyo arrmo dhowr ah oo u baahan in wax lag qabto, sida Amniga doorashooyinka iyo dhaqaalaha.