Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Xariga Ka Jaray Dhismaha Wasaaradda Beeraha

24

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xariga ka jaray xaruunta dhismaha Wasaaradda Beeraha Soomaaliya dayactir  iyo oo dib-u-dhis lagu sameeyay.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa  ku boggaadiyey masuuliinta iyo shaqaalaha Wasaaradda dib u dhiska xarun muhiim u ah dowladnimada Soomaaliay

Dhismaha Wasaaradda Beeraha Soomaaliya ayaan lagu shaqeyn muddo dheer , kaidb markii ay ku burburtay dagaalladii dalka ka dhacay.

Ugu horeyn Ra’iisul Wasaaraha XFS  Maxamed Xuseen Rooble ayaa ugu hambalyeeyay maalinta beeraleyda Soomaaliyeed, guud ahaan beeraleyda dalka, isaga oo ku dhiirigeliyey in ay sii wadaan horumarinta wax soo saarka beeraha.

Gabagabada munaasabaddan  ayaa  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble  waxaa uu tilmaamay in Xukuumaddiisu ay muhiimad gaar ah siin doonto beeraleyda Soomaaliyeed oo door muhiim ah ka qaata koboca iyo wax soo saarka dalka, maadaama la howlgaliyey xarunta wasaaradda beerahana ay soo laaban doonto doorkeeda kaga aaddan horumarinta beeraleyda Ummadda Soomaaliyed .

Xaruuntan Maanta xariga laga jaray ayaa waxaa Ku Shaqeyn doono Shaqaalaha wasaaradda iyadoo ay ku soo aaday xili dalka uu baahi weyn u qabay in dib loo dhiso Wasaaradii Beeraha Dalka oo Soomaaliaya ay Caan ku tahaya wax soosaarka dhinaca Beeraha .