Ra’iisul Wasaare Rooble”Waa in aan isu kaashannaa la dagaallanka argagixisada”

17

 

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo ku sugan boqortoyada Sacudi Carabiya ayaa cambaareeyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee xalay lagu qaaday saldhigga booliska degmad Waaberi ee magaalada Muqdisho.

Maxamed Xuseen Rooble Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay iska kaashadaan sidii loola dagaalami lahaa argagaxisada.

Qoraal uu soo dhigey bartiisa Facebook ayuu Ra’iisul Wasaare Rooble waxaa uu u qornaa sidan;

“Waxaan cambaareynayaa weerarkii argagixisadu ku qaadeen saldhigga degmada Waaberi.

Waxaan qoysaskoodii iyo shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa saraakiishii iyo shacabkii ku naf waayay falkaas argagixiso.Inta dhimatay Allaha u naxariisto dhaawacyadana Allaha bogsiiyo.

Falkani waxa uu tusaale cad u yahay sida aysan argagixisadu xurmo ugu hayn dhiigga Shacabka xilligan oo lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Waa in aan isu kaashannaa la dagaallanka argagixisada noo diiddan in dadkeennu ay nabad ku naalloodaan.”ayuu ku yiri qoraalkiisa Ra’iisul Wasaare Rooble.

Qaraxa ismiidaaminta ah ee xalay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa afhayeenka booliska uu ku sheegay in lix ruux ay ku dhinteen lix kalana ku dhaawacmene,waxaana ka mid ah dadka geeriyooday labo sarkaal oo caan ka ahaa caasimada dalka ee Muqdisho.