Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya oo la kulmay Jawaari

40

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay guddoomiyihii hore ee baarlamaanka, Mudane Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari).

Kulanka oo ka dhacay guriga Khayre ayaa qaatay saacado badan, wuxuuna ahaa mid ay labada mas’uul isaga xog wareysanayeen xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Sidoo kale Khayre iyo Jawaari ayaa ka wada-hadlay arrimo ku saabsan doorashooyinka soo socda ee 2020 illaa 2021-ka.

Si kastaba ha’ahaatee Ra’iisul wasaare Khayre ayaa dhowaan ku dhawaaqay inuu yahay musharrax u taagan xil ka Madaxweynaha Soomaaliya ee doorashada soo socota 2020/21.