Ra’iisulwasaare Rooble oo Maanta Daahfuray Shirka Banbaxa Golaha Wasiirrada.

15

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble ayaa  Maanta Magaalada Muqdisho ka daah furay Shirka Banbaxa Golaha Wasiirrada.

Furitaanka Shirkaas ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Golah Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Guuleed iyo dhammaan Golaha Wasiirada iyo Wasiiro ku-xigeenada Xukuumadda Soomaaliya.

Shirkan  ayaa Mudada uu socdo waxaa looga hadli doonaa Arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin dardar gelinta qorsheyaasha Xukuumadda hortabinta u leh, gaar ahaan  sid aDoorashooyinka, Amniga, Kordhinta Dhaqaalaha dalka .

Dhinaca kale  Qodobada looga hadlayo Shirka Banbaxa Golaha Wasiirrada Xukuumadda ayaa  waxa ka mid ah Arrimaha Daynta cafinta, horumarinta bulshada, Caddaaladda iyo Qorshaha waxqabadka Xukuumadda ee 100-ka maalmood.

Shirkan ayaa markuu soo idlaado ayaa waxa la filaya in laga soo saaro qodobo muhiim ah oo ka qeyb qadanayo howlaha Xukumadda Rooble .